Baadariyaasha, kirishtaanka iyo yahuuda waxay faafiyaan waxa loo yaqaano Talmutu, halka Istanbul Xaqiiqda Kitaabka ay ka faafiyaan Islaamka meesha baadirayaasha aysan heysan wax diin ah waxayna u shaqeeyaan dantooda. Iyada oo la isticmaalaayo caqli, cilmi, iyo naxariis gaalada waan u isticmaali karnaa si aan wax ugu sheegno. Siaan u caawino faafinta, dadka aduunka oo dhan iyo aakhiro waa in aan ka shaqeynaa arintaa taas oo sabab u noqoneyso in ay ku soo biiraan muslimmiinta.

Dadka faaido iyo qiimo maleh haddii ay aysan caawinin dadka kale. Gaalada iyo Yahuuda waxay gacmahooda ku badeleen kitaabyadii loo soo dire ee kala ah Towraat iyo Injiil waxayna ku faanaan in ay ayaga badeleen. Quraanka kariimkana waa sida uu Ilaah tacaalaa u soo dejiyey. Baadariyaasha iyo naagahooda Kitaabka Xaqiiqada wuxuu noo sheegayaa in aan ka diktoonaano waxa ay qalaan iyo si naxariis leh in aan u akhrino waxa aan Fahmina fahamkooda waa qasab. 

Ilaah waxa uu xarimey dulmig iyo isticmaalka hudasiga.

Qof walba waxa uu sameeyo ayaa lagu abaal marina.

Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa uu kitaabkiisa quraanka kusheegay sidatan: nin layiraahdo Cabdulaahi Binu Saba ee Yahuudiga ahaa ee reer Yamaneedka ahaa waxaa uu ahaa (Mushrikiinta Iyo Yahuuda Ayaa Ugu Cadaawad Badan Mu’miniinta) Maa’ida Aayada/82, Islaamka burburintiisa dhanka gudaha waxaa u istaagay ninkaan waana ninkii ugu horeeyey ee Islaamka fidno ka dhex abuura waxaana uu aas aasay firqada layiraahdo Shiicada taas oo uu ku weeraraayay caaqiidada saxda ah ee (Ahlusunnah wal jamacah).

Firqadani waa ay soo xoogaysanaysay xiliba xiliga kasii danbeeyo waxana hoogaaminayay niman Yahuud ah oo isu ekaysiinayo in ay yihiin culumada Shiicada nimankaa Yahuuda ah dhibaatooyinka ay muslimiinta u gaysteen waxaad uga bogan kartaa kitaabka layiraahdo (Qiyaanada Yahuda) ee ay baahisay maktabada lagu magacaabo maktabatul Saxaabatul Islamiyah, ee kutaala wadanka Kuwait iyo kitaabka layiraahdo (Al Rajul Al Sanam) ee ay baahisay maktabada layirahdo; (Maktabatu Al Bayrud), kadib markii lakor yeelay Nabi Ciise Calayhi Salaam waxaa wax laga badalay kitaabkii Injiil Masiixiyiinta badankoodu waxay noqdeen (Mushrikiin) qaybo kalana waxa ay noqdeen (Kaafiriin) maxaa yeelay waxa ay beeniyeen risaaladii Nabi Muxamed Calayhi salaatu Wassalaam.

Qaybta Mushrikiinta noqotay iyo qaybta Kaafiriinta noqotay waxaa la isku yiraahdaa ahlu Kitab, markii uu Islaamku soo shaacbaxay waxaa gilgishay oo dumay awooddii baadiriyiinta qarniyadii dhexe, si Islamka loo burburiyo waxa ay aas aaseen ururo lamagac baxay Mubashirin, waqtigaasi Ingiriisku waxaa uu ahaa dawladii ugu horeysay ee aas aasta wasaarad loogu magacdaro (Wasaarada Gumaysiga), waxa ay Islamka ku weerareen hagar daamooyin Yahuudnima ah, awood siyaasadeed iyo mid milatari oo aan laqiyaasi karin mid ka mid ah kumanaan jaajuusiin ah kuwaas oo loo diray wadamadii Islamka oo ay soo dirtay (Wasaradii Gumaysiga) ee dalka Ingiriiska oo la oranjiray Hamfari kaasoo bilaabay Muxamed Cabdi Wahab reer Najdiga ahaa kaas oo kunoolaa magalada Basra sanadkii 1125 Hijiryada oo kubeegan 1713 Miiladiga.

Hagar daamooyinkiisii waxa ay ku qaadatay sanadyo badan waxaa uu aas aasay firqada layiraahdo (Al Wahabiyah), Hanfari waxaa uu ahaa jaajuus Ingiriis ah waxaa uu ku qasbay wasaradii gumaysiga ee dalka Ingiriiska tilaabooyin jaajuusnimo ah oo ku wajahan wadamada islamka sida Masar, Ciraq, Xijaaz, Iran iyo Istanbul, oo ahayd xaruntii khilaafada Islaamka. Burburinta Islaamka iyo u adeegidda masiixiiyinta cadawga Islaamku si walba oo ay isugu dayaan tirtirida Isalaamka awood uma aysan yeelan in ay damiyaan nuurka Allahu Tacaalaa gabi ahaanba maxaa yeelay illaahay baa quraankiisa ku cadeeyay in uu diinkiisa ilaalinayo sidaas darteed gaaladu ma awoodaan inay badalaan quraanka karimka ama ay damiyaan nuurkiisa, waligood muslimiintuna afar iyo toban qarni waxay kusocdeen wadadii quraanka kariimka ah ee nuurka lahayd waxayna ku hormareen dhanka siyaasadda, ganacsiga, warshadaha, cilmiga iyo dhaqanka wanaagsan waxayna samaysteen dowlad wayn kadib afganbigii faransiiska sanadkii 1204 hijiryada oo kubeegan sanadka 1789 miiladiga, markii ay arkeen dhalin yadara reer yurub waxay kala kulmeen hoogamiyashooda kanisadaha been abuur dulmi iyo fasaad ayna arkeen diintii Masxiiyada inaysan ahayn mid sax ah wayna isaga baxeen diintii Masiixiga waxayna qaateen diinta Islamka mar walbo oo ay Masiixiyada kafogaadaana waxay ku hormaraayeen aqoonta iyo tignolijiyada caalamiga ah, maxaa yeelay Masiixiyadu waxay car qaladaynaysay wadada horumarka ee musliminta.

Muslimiintii baratay kutubtii khaldanayd ee Masiixiyida lahayd ee ay qoreen baadirinitii reer yurub ee ay ku kadsomay dacaayadii Ingiriisku uu Islaamka kasameeyay waxay noqdeen kuwa diinta kabaxay oo kajaahil ah diinta Islaamka, mar walba oo Islaamka kafogaadan waxay kadib dhacayeen aqoonta maxaa yeelay Islaamku waxaa uu amrayaa horumar iyo shaqo, go’aanka siyaasadeed ee dawlada Ingiriska waxa ahaa inay isku balaariyaan caalamka oo dhan si uu ula baxo khayradkooda dabiiciga ah gaar ahaan Hindiya, Afrika iyo in ay dadka kunool wadamadaas ugu shaqaystaan sida xoolaha hantida dadkasna ay ula wareegan oo ay u dhoofsadaan wadankooda, dhanka kale muslimiintu waxay dadka ugu yeerayeen cadaalad, isjacayl iyo iskaashi waxayna is hortaagayeen dulimiga iyo cadaaladarida iyo dacaayada beenta ah ee Ingiriiska, hadaba kitaabkeenaan waxaan u diyaarinay saddex qaybod:

Qaybta Koowaad: Qaybtan waxay noo cadaynaysaa shirqooladii iyo dacaayadihii liitay ee ay diyaarisay Yahuuda uuna dhaqan galiyay Ingiriiska si ay Islaamka uga takhalusaan waxayna ka koban tahay todobada qeybood.

Qaybta Labaad: Qorshayaashii ay ka dhaqan galinayeen wadamada Islaamka ayna ku burburinayeen labadii quwadood ee Islaamka ee kala ahaa Khilaafadii Cusmaaniyiinta iyo dawladii wadanka Hindiya, taariikhdaasna waxaad si faahfaahsan uga bogan kartaan kitaabka layiraahdo (Xaqiiqatul Yahuud) ee ay faafisay maktabatul Asxaabatul Islamiyah ee dalka Kuwait oo ciwankedu yahay Bopox 22821 Waxana qoray kitaabkaas nin layiraahdo Fu’aad Sayid Cabdiraxman Alrufaciyah kitaabkaasna waxaa uu kusaabsan yahay weeraradii ay Yahuudu kuhayeen diimaha muddo dhan 2000 sano iyo sida ay Islaamku udumiyeen waxaana kitaabkaan kusoo bandhigi doonaa cadaymo qoraal ah kuwaasoo ka badbaadinaayo dadka wax magaratada ah ee ku dhacay shirqool kii wahaabiyada.

Qaybta sadexaad: Qaybtaan waa warkii oo kooban waxayna sugaysaa diinta Islaamka in ay tahay diinta xaqqa ah.

 

Qaybta 1aad

Hamfari waxaa uu yiri dawlada Ingiriiska waxaa ay ahayd dawlad wayn oo ay calankeedu qoraxdu ka dhicin, hase ahaatee dawladeenu marka loo eego dawladaha ay gumaysanayso waxaa ay lamid noqonaysaa mid yar sida dawladihii Hindiya Shiinaha iyo Bariga Dhexe si kastaba ha ahaatee wadamada aan gumaysanayno siyaasad ahaan baan ku haysanaa waxa ayna gacanta ugu jiraan dadkii lahaa oona maamulaya sidaa darteed waxaa lagama maarmaan inoo ah inaan ka fakirno laba arimood oo waa wayn:

  1. Wadamada gacanta inoogu jira in aysan gacanteena kabixin.
  2. Intii aan ku jirin gacanteena inaan soogalino gacanteena, waxayna dhistay wasaradii gumaysiga iyo hay’ad ugaar ah muhiimadaas ama shaqadaas. Aniguna Hamfari ahaan waxaan ahaa nin ay aad wasaaradu ugu kalsoontahay waxayna madax iiga dhigtay shirkad loodiray bariga Hindiya, shirkadaas oo u muuqata shirkad ganacsi hase ahaatee xaqiiqadeedu ay tahay sidaan ku gaari lahayn qabsashada dhulal ka Hindiya ee fog, xukuumada Biriten waxay ku kalsoonayd in ay u sahlan tahay qabsashada dalka Hindiya sababtoo ah waxaa ku dhaqan qoomiyado kala duwan waxayna kala haystaan diimo kala duwan waxayna ku kala hadlaan luuqado kala duwan dadkaas oo aan isku dan ahayn sidoo kale waxay ku kalsoonayd xukumadeenu qabsashada wadanka Shiinaha sababtoo ah labada diimood ee laga haysto dalka Shiinaha ee kala ah (diinta Buudiga iyo Konfushiyusiyah), ma ahayn laba diimood oo awood badan leh hase ahaatee waxaa mudan in maskaxda lagu hayo suuro galnimada kacdoon wadaniyadeed inay sameeyaan dadka kunool dalkaas, sidaa darteed wax cabsi ah kama aysan qabin dawlada Biriten labadaasi wadan mana aynan ilowsanayn inay horumar gaari karaan mustaqbal ka sidaas daraateed waxaan kudadaalnay sidaan u kala qaybin lahayn uguna baahin lahayn jahli, faqri iyo cudurada faafa wadamadooda, waxaanu ahayn kuwa aan kala kulmin wax caqabad ah meel marinta hadafyadeena anagoo isku ekaysiinayno inaan gacan siinayno wadamada Islamka.

Waxaan heshiis lagalnay ninka xanuunsan1 inagoo karaadinayno faa’iido waxaana kula heshiinay inuu furo macaahid hoostagta wasaarada gumaysiga, xubnaha aqoonyahanada ee wasaarada gumaysiga waxaa ay soo saaren in ninkan xanuunsan awoodiisa iyo barnaamijkiisu ay burburayso wax kayar hal qarni waxaa kale oo aan heshiis hoose aan lagalnay dawlada Iran inay noo furto dugsiyo wax barasho oo hoostago wasaarada gumaysiga waxaa kale oo aan beernay rag dawli ah oo aan kadhignay rag jaajuusiin ah laalushka, maamul xumada iyo mashquulka madaxdii Islaamka ayaa waxay noqotey mid nusqaamisey horumarinta culuumta Islaamka, madaxdii waxay ku mashquuleen lacayaarida gabdho qurux badan waxay hilmaameen shaqooyinkoodii, arintaasi waxay horseeday burbur jiritaankii laba wadan (Hindiya iyo Shiinaha), laakiin anagu maanan ahayn kuwa ku kalsoon natiijadaas dhawr arimood dartood:

1- Awooda Islaamka oo ku dhex jirta quluubta caruurtooda, maxaa yeelay ninka ah hoogaamiyaha muslimka waxuu awood uleeyahay inuu soo jiito dadka muslimiinta ah, maxaa yeelay Islaamku waxaa uu muslimiinta ujoogaa booska ay Masiixiyadu ujoogto baadariyaashu.

Muslimiinta shiicada ee wadanka Iran waxay ahaayeen kuwa qatar badan leh sababtoo ah waxay u arkayeen qofkaan shiici ahayn inuu yahay gaal mushrik ah waxaa la waydiiyay mid ayaga kamid ah maxaad kasugayseen Masiixiyada? waxaa uu kujawaabay nabiga Islaamku waxaa uu ahaa mid xigmad badan waxaa uu doonay inuu uqoorgaliyo gaal walbo wareeg cadaadis ah xaga akhlaaqda si uu u dareemo cariiri, si ay umuuqato sabab uu ugu hanuuno wadada Alle iyo diinta saxiixa ah. Waxaa lawaydiyay najaasada uu kusheegay qofka aan shiiciga ahayn waxa ay tahay waxa u yiri najaasadu waa mid qarsoon ee ma ahan mid muuqato najaasadu waxay kulminaysaa (Suniga Iyo Gaalka) waxaa lawaydiiyay maxaa kadhigay Suniga iyo Masiixiga najaaso iyagoo rumaysan Allaah iyo Maalinta Akhiro?

[1] Waxaa laga wadaa Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyadda

Waxaa uu yiri laba arin midka ugu horeeya waxay beeninaysaa Nabi Maxamed2 Arinka labaaadna waxay masiixiga utirinayaan anbiyadii Allahu Tacaalaa wax aan u qalmin sida ay kusheegeen nabi Ciise inuu ahaa mid cabbo qamriga iyo inuu ahaa mid lanacaladay maxaa yeelay waxaa lasuray tiir, waxaana uu yiri si layaab leh masiixiyiintu ma aaminsana waxa aad leedahay, waxaa uu yiri adiga ma ogid in kitaabkan muqadas uu yahay aktooda ka dibna wuu aamusay anigana waxaan ku kalsoonaa ninkaan inuu ka been sheegaayay arinta danbe haba kabeensheegee midda hore mana doonayn inaan hadalka kudheereeyo ninka maxaa yeelay waxaan kabaqayay inuu kacararo aktayda maxaa yeelay aniga waxaan u qaab ekaa nin muslim ah mar walbo waxaan kadheeraanayay meelaha qatarta ah.

[2] Dadka Nabigeena (calayhı salaatu wassalaam) ku tuhmaya beenta waa Shiicada & Kirishtanka, caqiidadooda & erayadooda & Ficiladooda Foosha xunna waxaa lagu cadeeya looguna jawaabay kutubta culimada Ahlusunna, sida. kitaabka (Sawaaciqul Muxraqa ) waxaa alifay Axmed Ibnu Xajar oo ku dhinta maka sanadkii (974h) (1566m). kitaabka (Tuxfatu Ithnaa cashariyah) waxaa alifay Cabdilcasiis oo ku dhintay dalhi sanadii 1239h (1824m). kitaabka (Alnaahiya) waxaa alifay Cabdulcasiis Alfarhaarwi oo dhintay sanadkii (1239h) (1824m). kitaabka (Ta’yiidu Ahli Sunna ) waxaa alifay Al’imaan Alrabaani Axmed Al-faaruuqi oo ku dhinta magaalada Sarhanda oo kamid ah Hindi sanadkii (1034h) (1624m) . kitaabka (Asxaab Alkiraam) waxaa alifay Cabdalxakiim Al-aarwaasi oo ku dhintay Ankara sanadkii (1362h)(1943m). kitaabka (Alxujaj Alqadciyah ) waxaa alifay Cabdullaahi Alsuwaydi oo ku dhintay Baqdaad sandkii (1174h) (1760m). kitaabka (Almilal Wannixal) waxaa alifay Muxamed Alshahristaani oo ku dhintay Baqdaad sanadkii (548h)(1154m) .

2- Islaamku waxaa uu soomaray waqti awood iyo kala danbayn uulahaa muslimiintuna ay ahaayeen madax waxaa adkaanaysay inaad kutiraahdo dadkaas madaxda Islaamka ah waxaad tihiin adoomo noomana suura galaynin inaan kabeensheegno taariikhda Islaamka si aanan u dareensinin muslimiinta madaxtinimadoodii inay gashay meel adag iyo inay u wareegsatay meel aysan kasoo noqon Karin.

3- Waxaana ahayn kuwa aad uga walaacsan dowlada Cusmaaniyiinta iyo Iran inay soo celiyaan awoodoodii sidaa darteed ay naga fashilanto qorshaheenii ku wajahnaa qabsashada laba daasi waddan, labadaas xukumadoodna waxay ahaayeen kuwa aad u taagdaran.

4- Waxaanu ahayn kuwa aad uga walwalsan culiumada Islaamka gaar ahaan culumada Istanbuul, Azhar, Ciraq iyo Shaam waxay ahaayeen kuwa naga hortaagan ujeedoyinkena waxay culimadaasi shacabka kuhoogaminayeen wadada xaqqa ah ee uu qur’aanku sheegay in janada lagu gaarayo waxa ay oga digayeen dhal dhalaalka aduunyada ee dhamaanaysa, waxa ay sheegeen in ay yihin kuwa aan ka gaabinayn ujeedooyinkooda diimeed hal tin wax u dhigma kale, shacabkuna waxa uu ahaa kuwa raacsan culimadooda xitaa madaxwaynuhu waxaa uu ahaa mid kadanbeeyo culumada.

Hadaba muslimiintu waxay u qaybsameen laba qaybood oo kala ah Sunni iyo Shiica, sunigu inta badan kama madax dhigan jirin culimadooda maxaa yeelay culimadoodo waxay ku mashquulsanayen darasaaynta diinta Islamka sidaa darteed madaxtinimada waxay kadhaxaysay madaxweynaha iyo muftiga islaamka, shiicaduna waxay kamadax dhigan jireen culimadooda oo kaliya madax weynahooduna waxaa uu ahaa mid magac uyeel ah, dhab ahaantii waxaanu qabanay shirar fara badan hasa ahaatee mar waliba kuma aanan guulaysan ujeedooyinkeena, waxaa ay ahayd war bixinta nooga imaanayso sirdoonkeena iyo shaqalaheena mid aanan nafarax galin shirkasto oo aan qabano wax natiijo ah kama anan gaaraynin hase ahaatee kama aanan quusan in aan ku adkaysanayno hadafkeena sidii aan u meel marin lahayn, waxan qabanay shir uu kasoo qayb galeen wasiirada iyo baadariyaasha kuwooda ugu waawayn waxaa kaloo kasoo qayb galay aqoon yahaniin waxana ka koobnayn labaatan qof, shirkaasi waxaa uu nagu qaatay muddo kabadan saddex sacadood waxaana soo gabagabaynay anagoo wax guul ah lataaban karo aanan kagaarin, hase ahaate baadariyiintii baadari kamid ah ayaa waxa uu yiri ha walwalina!

Masiixiyadu xukunka waxa ay lawareegi doontaa saddex boqol oo sano kadib, saddex boqol ee sano gudahooda waxaa dhici doono barakac boob iyo dilal markaas waxaa laga yaabaa in Ciise uu soo eego oo uu noogu deeqo baabi’inta gaalada {Muslimka} oo kasifeeyo xarumahooda.

Saddex boqol oo sano kadib Allaha kadhigee waxaa waajib inagu ah in aan isku hubayno iimaan qote dheer iyo dulqaad waa inaan adeegsanaa dhamaan wadooyinka lagu gaari karo lawareegista maamulka iyo fidinta Masiixiyada ummada Islaamka dhexdooda haba nagu qaadato qarniyaal fara badan maxaa yeelay aabo yaashu waxa ay beeraan wiilal waxaa shir lagu qabtay xarunta wasaarada gumaysiga waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka kala socda Faransiiska, Ruushka iyo Ingiriiska sidoo kale waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin iyo baadariyasha diinta, shirkaas waxaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka Islaamka dhexyaalo waxa kale oo lagu soo bandhigay qorshayaalkii lagu burburin lahaa Islaamka iyo sida looga siibi lahaa caqiidadooda islaamiga ah loogana celin lahaa horumarka iimaaniga ah si uu uga laabto wadanka Isbayn islaanimada qarniyal kadib markay muslimiinta qabsadeen hase ahaate guulihii shirkaas kasoo baxay ma gaarsiisanayn heerkii larabay anigana waxaan qoraayay had iyo jeer qodobadii shirka lagu falan qaynaayay waxaana ku qoraayay kitaabka layiraahdo (Malakuutul Masiix).

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u adkayd in si dhaqso leh xididada an uga siibno geed wayn oo ay xididadiisu u dhadhaceen dhulka hoostiisa hase yeeshee Islaamka waxaa waajib ku ah inuu dhibaatooyinka u dhabar adeego maxaa yeelay Masiixiyadu uma imaanin ilaa inay fiddo mooyee taasina waa mid uu ugu yaboohay Ciise, Muxamedna Calayhi Salaam waxaa taageeraayey mar xalad adag oo kajirtay bariga iyo galbeedka marxaladdaa adag hadii ay dhamaato waxaa raacaya oo ku dhamaanaya halaaga (halaaguna waxa uu uga jeedaa Islaamka), nasiib wanaag arintii waxa ay noqotay mid isbadeshay, iskudaygeeduna waxa uu noqdey mid guulaystey waxaana hoos u dhacay muslimiinta waxaana kor u kacay awoodii Masiixiyada waqtigiina waa uu soo dhawaaday waxaana ku faraxsanahay in aan soo ceshano wixii aan waysaneen qarniyo aad ufara badan taas oo ah in aan aas aasno dowlad aad u xoog badan dowladaas oo ah dawlad Ingiriiska oo ay hoggaanka u hayaan halgamayaasha wasaarada gumaysiga.

Fikirkaada Waa Muhiim