Marka aynu ka hadlayno wax soo saar-ka xoolaha, waxa ugu muhiimsan laba qaybood oo kala ah:

Wax soo-saarka hillibka

iyo wax soo-saarka caanaha

Inkasta oo ay jiraan faa’idooyin kale oo loo dhaqdo xoolaha sida, in laga helo dhogor, subag iyo in loo adeegsado shaqooyinka qaar sida, in beeraha lagaga shaqeeyo  dibida iyo  awrta oo loo isticmaalo gaadiid ahaan. Haddana waxa ugu muhiimsan marka aynu ka hadlayso wa soo-saar labadaas qaybood ee aynu kor ku soo xusnay.

Wax soo saarka caanaha ee dalkeenna

Tiro-koobyo laga sameeyay xoolaha dalkeena oo ay samaysay hay’adda cuntada adduunka ee FAO ayaa daaha ka qaadaya in Lo’da ku dhaqan dalkeena ay tahay 80-87% dhedig ama saco, halka ay 20-30% ay tahay mid irmaan, celceliska caanaha sac kasta laga liso maalin kasta ayaa ah iyana 2 litir, muddada uu irmaanaan karo neefka lo’da ahi ayaa ah 283 cisho sida warbixinta lagu sheegay.

Dhinaca kale warbixintu waxa ay sheegtay guud ahaan geela ku nool dalka Soomaaliya in uu yahay 80-87% halo, halka 12-23% uu isna yahay awr,  qiyaasta caanaha xero geel ah laga liso ayaa ah 23.5%  kaliya, marka loo eego tirada geela xeradaas ku xaraysan.

Neef kasta oo geel ah waxa laga lisi karaa maalin kasta 5 litir oo caano ah, sidoo kale waxa ay irmaanaan kartaa hashu muddo 290 cisho ah, taas oo ka dhigaysa xadigga caanaha ee laga lisi karo hal neef oo geel ah sanadkii 1450 litir.

 Warbixinta qaybta khusaysa adhiga ayaa waxa ay qortay in qiyaasta adhiga Soomaalidu ka kooban tahay 80-9% dhedig (riyo iyo laxo), halka 9-20% yihiin labbood (orgi iyo wanan), inkasta oo aanay si sax ah u qeexin warbixintu xadigga caanaha ee neefkasta laga lisi karo maalintii, haddana waxa ay ku soo uruurisay in 32.4 litir sanadkii laga lisi karo neefka irmaanS.

Cabirka koritaanka neefka

Koritaanka aan wanaagsanayn ee xooluhu waa qodobka ugu wayn ee hoos u dhiga wax soo-saarkooda, suuqgayntooda iyo in dibida loo adeegsado qoditaanka beeraha. Si loo ogaado in uu neefka koritaankiisu sax yahay waxa lagu qiyaasi karaa, qiimayn lagu sameeyo culayska neefka, wakhiyada ama sannadada uu jiro neefku iyo isbarar dhig lagu sameeyo jiilasha mar wada kacaama.

Tarminta xoolaha

Tarmita xooluhu waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in daryeelaha caafimaadka xoolaha iyo mulkiilaha xerada xooluhu ay aqoon dheeraad ah u leeyihiin. Tarminta xooluhu waxa look ala qaybiyaa laba qaybood oo waawayn:

– Tarmin dabiici ah (in ay xooluhu caadi ahaan iskugu galmoodaan)

iyo in gacan ku-rimis lagu sameeyo xoolaha ( qaybtan waxa doorashada leh mulkiilaha xoolaha, loomana ogolaado in ay xooluhu si caadi ah iskugu galmoodaan).

Haddaba waxa jira qodobo kobciya ama hoos u dhiga qooqitaanka neefka waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

· Xaddiga nafaqo ee uu neefku ka helo calafka la siiyo

· Abbuuritaankiisa hidde-side ee uu ka dhaxlay waalidkii

· Cudur ku dhacay neefka

· Dhaqaalayn xumo kaga timaada neefka  mulkiilaha leh.

Fikirkaada Waa Muhiim