Ummad isku maqan, kala maqan, kalana maahsan, kala maan ohoo, muxuu yahay mudankooda?

khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.
Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go’in Suudaan inteeda kale.

Maqaalkan waxa uu daba socdaa kii aan ku tilmaamaye abaalka Kenya taasoo aan sarbeeb ahaan idiinku tusay damaca Kenya anigoo markaasi hab fikir aanan keyga ahayn hase ahaate ka tarjumaya damaca Kenya idiinla wadaagay, anigoo markaasi doonayay inaan idiinku xamaasad kiciyo. http://www.tukesomalism.com/archives/9991

Dhawaan dalka Itoobiya waxay soo bandhigtay qariirad caddeyneysa mustaqbalka ay ka leedahay gobolada koonfureed ee Talyaaniga gumeysan jiray, taasoo u muuqato hankeeda ku aadan in goboladan lagu daro Itoobiya halka goboladii waqooyina laga dhigay dal madax banaan!!! iyadoo markaasi damacaasi mustaqbalka Itoobiya ku tusaya, in fikirkaasi ay dadaalkeeda ku howlantahay!

Sawirkaasi qariirada Itoobiya way ka fal-celisay balse qariiradaas Itoobiya soo bandhigtay waxay sheegtay innuu ku dhacay qaab qaldan markaasina si maskaxiyan bay noogu cadeysay in rajada ay naga qabto uu yahay in goboladeena koonfureed la wareegto.

Dhanka kale fal celin shacab mooyee ilaa iyo hada lama haayo mid dowladeed, waxayna wado fur u noqon doontaa hanka Itoobiya iyo damaceeda qaawan ee mustaqbalka ay ka leedahay gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Hadaba aan tixraac ku sameeyo bandhigga qariiradan Itoobiya soo gudbisay, ma noqon karayaa mid dhaboobi kara mustaqbalka?

Ma laga yaabaa in gobolada koonfureed ay noqdaan kuwa hoos taga Itoobiya?

Hadafka Itoobiya hada ma socotaa libtii ay kaga gun gaadhi lahayd inay koonfurta dalka gacan ku heynteeda qabtaan!!?

Baaritaanadan isku day adiguba inaad afkaartaada aad ku cabirto siday kula tahay adigoo ka eegaya marxaladaha qalafsan ee goboladan koonfureed maamulkoodu yahay!!

Burburkii dowladii dhexe ee Kacaanka ee uu hogaaminaye Alle ha u naxriistee kornayl Maxamed Siyaad Barre, kadib Soomaaliya waxaa ka bilowday is jabhadeysi oo aan loo kala harin kuwaasoo markii dambana reebay in laysku baa ba’o layskuna dilo, dowlad xumina ka dhalato, walibana kala qaybsin ay dhacdo oo jabhadihii xiligaasi dilaacay mid ka mida sheegtaan in ay ka goosteen Soomaaliya.

In ku dhow 10 sano iyadoo marxaladaasi tahay ayaa dhacday in caalamka ama waxa loogu yeero beesha caalamku sameeyaan dowlado lagaga hor tagi karo burburka wali dalka ka taagnaa, markaasina waxaa dowladahaasi lagu soo dhisay wadamo dariska ah.

Dhisiddii dowladahaas oo midba sanadihiisa la tagayay, waxaa dhacday in la sameeyo hanaan federaal kaasoo awood siinayo in jabhadihii ka dilaacay Koonfurta Soomaaliya loo magac wanaajiyo.

Sida aan xigashada ku ogahay hanaankaasi waxaa lagu soo hindisay Wadanka Itoobiya si markaasi xal loogu helo is qab-qabsigii iyo jabhadeyntii wadanka ku burburay, muddo 11 sanadood oo marxalada dowlad kumeel gaar ah iyo Islaamiyiin ka curtay Koonfurta iyo bartamaha dalka, dabadeedna waxaa 2012kii markii ugu horeysay doorasho barako ku bixis ah! lagu qabtay Muqdisho, iyadoo markaasi la leeyahay in laga gudbay heerarkii Kumeel gaarka ahaa, ka dibna la bilaabay dhisidda hanaankii federaalka, waxaana dhacday in dowladii waqtigaas la doortay ay hagaajiso islamarkaana ku guuleysato dhismihii maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland, oo ayana ahayd maamulkii labaaad ee ka curtay Wadanka Soomaaliya, Howlihii ugu badnaa waxaa lagu bixiyay in maamul goboleedyo gaaraya ilaa 4 dowlad goboled laga hir galiyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taasna waxay keentay in madaxdii loo magacaabay maamul goboleedyadaas ay isu aqoonsadaan inayba ayagu dowladyihiin ka dib doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo 2017kii, hase ahaatee muddo xilligan ku siman ay wali jirto isla amar diidii dowladii dhexe.

Waxayna qariiradan cadeyneysaa in Koonfurta dalka aysan ka jirin dowlad awood leh, damaca Itoobiyana yahay in ay la wareegto, sababtoo ah dal 30 sanadood marnaba isku waafaqin dadkiisu in hal dowlad ku shirkoobaan ay dhici karto in la qabsado lana qaybiyo.

Horaana loo yidhi “Ummaddii tashan weydo waa loo taliyaa!”

Waxaana muuqato in aan nahay doqomo isku tali karin, kala tagi karin, iskuna dhiban badalkeedana ay noqon doonto in loo awood sheegto, waxaana taasi ku kalifeyso kala qaybsanaantooda iyo kala maan sanaantooda.

 

Wabilaahi towfiiq.

Fikirkaada Waa Muhiim