Waa maxay cudurka Rabies-ku ama Ruquus-ku sida ay Soomaalidu u taqaan?

Cudurkani waa mid ahmiyad wayn u leh caafimaad-qabka bulshada, waxa keena Virus-ka noociisa loo yaqaan Lyssa virus”. Cudurkan waxa dadka u gudbiya oo inta badan virus-kani saameeyaa xayawaannada Eyda, dacawooyinka iyo kuwo kale oo duur-joogta ka mid ah.

Sida uu ku gudbo (Rout of transmission)

Cudurkani waxa uu ku gudbaa qanniinyada xayawaannadan aynu sare ku soo xusnay. Astaamaha ugu muhiimsan ee cudurkani leeyahay (Clinical signs):

  1. In bukaanka lagu arko gadood ama kacsanaan(violent).
  2. Dawakhaad (Confusion)
  3. Khalkhal beerfaha ah (disability of muscle control )
  4. Biyaha oo uu bukaanku ka cabsado “Fear of water” (hydrophobia)
  5. Dhareer xad-dhaaf ah (Excessive salivation)
  6. Dhimasho (death)
  7. Iyo astaamo kale oo badan.

Daawada iyo ka hortagga (Prevention and control)

Cudurkani malaha wax daawo ah balse, waxa lagaga hortegi karaa in aad looga foojignaado qanniinyada xayawaanka cudurkan gudbiya sida, Eyda oo bulshadeena khatar baahsan ku haya maanta, waana sababta aanu sanadkan hal-ku dhiggan u qaadanay”Ka taxadir qanniinyada Ey-da Si aad uga badbaado Reebis-ka”

World Rabies Day 27.Sep.2018

 

Reffrence (Tixraac)

  1. VETERINARY SER VICES IN THE SOMALI NATIONAL R EGIONAL STATE RESEARCH

by Andy Catley Dr. Mohammed Sheik Said Dr. Mohammed Ali Farah Dr. Ahmed Sheik Moham med Dr. Ismail M.Handule August 1997.

  1. Global alliance for rabies control official page

Fikirkaada Waa Muhiim